
Waxaa si meeqaam sare ah loosoo agaasimay daah-furka sanduuqa hormarinta waxbarashada kaasoo ka qabsoomay xarunta deegaanka ee Jigjiga. Munaasabada daah-furka ayaa waxaa furay wasiirka xafiiska waxbarashada DDS Mudane Maxamed Sheekh Aadan iyo wasiir ku-xigeenka xafiiska madaxwaynaha Mudane Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Sayid, waxaana kasoo qaybgalay wasiiro, wasiir ku-xigeeno, maareeyayaal, xubo jamacada ah, hay'adaha aan dawliga ahayn, qaybaha bulshada iyo marti sharaf kale. Ugu dambayn, waxaa laga dooday nidaamkii loo horumarin lahaa, waxaana la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo, loogana qayb qaato.